Shirka Hogaamiyaasha dalalka Islaamka oo ka Socda Magaalada Istaanbul ee Turkiga .

0
324

Shirkan ka socda Istanbuul ayey ku sugan yihiin 16 Hogaamiyayaal, halka dalalka kale ay metalayaan Wafuud heer Wasiiro ah. Shirkan ayuu sidoo kale ka qeyb galayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isaga shirka furay, waxaa sidoo kale khudbad halkaasi kasoo jeediyey Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Shirkan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’ aamo ku aadan dhulka Falastiin iyo jawaabta go’aankii Maraykanka ku sheegay Qudus caasimada Israel.

Madaxweyne Cabaas ayaa ku sheegay tilaabadii Maraykanka mid aan sharci ahayn.

Dowlada Turkiga ayaa lagu wadaa inay ugu baaqdo dalalka shirka ka qeyb galaya inay iyaguna si rasmi ah u aqoonsadaan dowlad jirta inay tahay Falastiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here