Xafiiska bixinta baasoboorada oo laga Furay degmada Dhoobley .

0
1315

 

Xafiiska bixinta baasaboorada ayaa  laga daah-furay magaalada Dhoobley ee saaran xadka kala qaybiya  Soomaaliya iyo Kenya waxaana goob joog ka ahaa munaasabaddii lagu daah furayey  Xafiiska baasaboorada gudoomiyaha Dhoobley Siyaad Maxamed Xassan, qaar ka mid ah xubnaha maamulka Dhoobley  iyo agaasimaha guud ee laanta iyo Jinsiyadaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdisalan Xassan Xusseen .

Xafiiskan baasaboorada  ee  laga  furay magaalada Dhoobley ayaa dadka ku nool  Deeganada hoos yimaada   dagmada Afmadow iyo  Badhaadhe ay u qabeen baahi wayn iyadoo dadka ku nool Dagmooyinkaasi ay Baasaboorada usoo doonan jireen magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaadhka ah ee dowlad-goboleedka Jubbaland .

Xafiiska laanta socdaalka ayaa magaalada Dhoobley laga Furay bishii abril ee  Sanadkii aan Soo dhaafnay ee 2016 ,iyadoo Xafiiska uu ilaa hadda uu ka shaqaynaayey Arimaha Socdaalka dalka maadama ay Dhoobley Saaran tahay Xuduud kala qaybisa Kenya iyo Soomaaliya  waxaan hadda heer wanaagsan maraya dhismaha Xarunta hay’adda la’aanta Socdaalka ee Dhoobley oo ay dhismaheeda waddo hay’adda Socdaalka Aduunka IOM .

JUBALANDTV, KISMAAYO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here