Mudanayaal ka tirsan Golaha baarlamaanka Dowlad-goboleedka Jubbaland oo mudooyinkii danbe Safar shaqo ugu maqnaa gobolka Gedo ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland waxayna Xildhibaanadan oo tiro ahaan dhan 15-xildhibaan ay soo gabagabeeyeen socdaal shaqo oo ay ku joogeen Gobolka gedo mudo bil ah sida ay u sheegeen jubaland tv waxaana Mudanayaasha kusoo dhaweeyey garoonka magalada kismaayo xubno ka socday labada gole ee Dawlad-Goboleedka Jubbaland
Salaam iyo ismar xabayn ka dib ayaa Xildhibaanadu warbaahinta kula hadleen qeybta nasashada ee Garoonka magaalada kismaayo , Xildhibaan Axmed Taajir iyo Xildhiban Maxamed Culijoog oo ka mid ahaa xubnaha baarlamanaka jubaland ayaa si hadal ay isaga danbeeyeen uga hadlay waxyaabihii ay ku arkeen gobolka Gedo mudadii ay halkaa ku sugnaayeen.
Wasiir ku-xgeenka Wasarada arimaha gudaha Cabdiraxman Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay wAsaarad ahaan ku farasan yihiin in ay xildhibaanadu soo arkaan degaanada jubaland si ay u soo dhagaystaan shacabka reer Jubbaland ee ku nool gobolka Gedo.
Ugu danbayntii Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo ku hadlayey xildhibaanada Jubbaland ee ka yimid gobolka Gedo ayaa ka mahad-celiyeye soo dhawaynta loo samayey waxaana uu sheegay in ay wax badan ka soo qabteen Gobolka gedo intii ay ku sugnaayeen.
JUBBALANDTV, KISMAAYO.