Xeer Ilaaliyaha oo dacwad Qaran Dumis ah ku soo oogay Labo Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

0
1106

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faray Hey’addaha sharci fuliyeyaasha, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay waajibaadkooda gutaan.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa dalbaday in Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo horgeeyo sharciga.

“Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo qaran dumis, waa in xasaanada laga qaadaa, baaris dheer kaddib waxaa ku cadaatay dowlad dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xigasho:Sonna .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here