Xildhibaanada Jubaland oo la horgeeyey hindise Sharciyeedka Golaha Garsoorka Jubaland.

0
1112

Kalfadhiga 4 Aad Fadhigiisii 19 Aad oo Maanta ay yeesheen Xildhibaanada
Barlamanka Dowlad Goboledka Jubaland Ayaa Waxaa  Soo Xadiray 42 Mudane,
iyadoona Fadhiga Barlamanka Maanta uu  hor Yimid Wasiir Ku Xigeenka
Wasarada Cadaalada  Dastuurka iyo Arimaha Diinta Dowlad Goboledka
Jubaland Adan inshaar Cumar ayaa Xildhibaanada Barlamanka  horkeenay
Hindiso Sharciyedka Aas-aaska Gudiga Golaha Adeega Garsoorka Ee Dowlad
Goboledka Jubaland.

Xilibanada Barlamanka Dowlad Goboledka Jubaland ayaa Waxaa Loo
Qeybiyay Hindiso Sharciyedka Aas-aaska Gudiga Golaha Adeega Garsoorka
Ee Dowlad Goboledka Jubaland Kaas oo Horay ay u Soo Meel Mariyeen
Golaha Wasiirada Dowlad Goboledka Jubaland.

Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Garsoorka Dastuurka iyo Arimaha Diinta
Dowlad Goboledka Jubaland Adan inshaar Cumar Ayaa Xilibanada Ka Hor
Aqriyay Sharciga Aasaska Gudiga Golaha Adeega Garsoorka Ee Dowlad
Goboledka Jubaland Kaas oo Ka Kooban 31 Qodob isagona Ka Codsaday
Xildhibanada Aqrintoda ka Dib inay Ansixiyaan Hindiso Sharciyedka .

JubalandTV -kismaayo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here