madexwayne Raul Castro oo lagu wado in uu Xilka Iska Casilo.

0
693

Madaxweynaha Dalka Cuba Raul Casro ayaa lagu wadaa inuu is casilo dhawaan, markii hadalkaasi ka sheegay shir ay yeesheen golaha Baarlamanka Dalkaasi Khamiistii Shalay.

Guddoomiyaha golaha qaranka Dalka Cuba ayaa lagu wadaa inuu xilka Madaxweynaha la wareego wixii ka dambeeya 19-ka April ee Sanadka 2018-ka.

Qoyska Reer Castro ayaa waddanka Jasiirad u ekaha Cuba soo xukumayay tan iyo Sanaddii 1959-kii markii uu walaalkii Vidal Castro hoggaanka u qabtay xisbiga kacaanka Cuba ee shuuciyadda ku dhisnaa, kaasoo awood badan ku lahaa Dalka.

Raul castro oo 86 jir ah ayaa beddelay walaalkii Vidal Castro oo xilka u banneeyay Sanaddii 2008-dii ka hor intuusan geeriyoon, iyadoo aan la cayimin  waqtiga uu hayn doono.

(Source: AFP)

SHARE

Facebook
Twitter

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here