UN: 128 dal oo ka codeeyey go’aankii Maraykanku Qudus ugu aqoonsadey caasimadda Israel.

0
397

 

 

Shirkii loo dhamaa ee Qaramada Midoobey ee maalintii shalay ka dhacay New York ayaa ka horyimid kana codeeyey go’aankii Maraykanka uu Qudus ugu aqoonsadey caasimadda Israel isla markaana ay go’aansadeen in ay safaaradooda u rarayaan halkaas.

128 dal ayaa u codeeyey qaraarka dalbanaya in Maraykanku ka laabto go’aanka ay Qudus ugu aqoonsadeen caasimad Israel, Shirka loo dhan yahayw axaa fadhiyey 193 dal.

Donald Trump ayaa horey ugu hanjabey dalalka hela deeqda Maraykanka ee ka hor yimaada go’aankooda in ay ka jarayaan deeqda, sidaas si lamid ah ayaa Safiirka Maraykanka ee UNta Nikki Hale sheegtay in ay magacyada dalalkaas qoranayaan.

Hanjabaada Donald Trump kuma dhicin dhego awdan, waxaana ka aamusay qaraarkan 35 dal halka 9 dal oo Maraykanka iyo Israel ay ay ku jiraan ay Maya u ncodeeyeen.

Dhamaan dalalka Islaamka ayaa ka codeeyey Maraykanka oo la jirsadey qaddiyadda Maraykanka, xitaa kuwa hela deeqda Maraykanka oo Soomaaliya u horeyso.

Maraykanka ayaa sheegay in aysan go’aankooda ka noqoneyn laakiin ay dib u eegayaan dalalka ixtiraami waayey go’aankooda ee hela deeqda Maraykanka.

Madaxweynaha Falastiin ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka Qaramada Midoobey ka soo abxay ee Maraykanka looga dalbadey in uu ka laabto aqoonsiga Qudus.

Golaha amaanka ee ka kooban 15 dal ayaa horey isugu dayey in ay soo saaraan Qaraarkan oo kale, waxaase diidamada qayaxan u isticmaaley Maraykanka, oo markasta oo uu isticmaalo diidmada qayaxan ee uu ku lee yahay golaha Amaanka u isticmaala danaha Israel.

Raysalwasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa ku tilmaamey Qaramada Midoobey in uu yahay gurigii beenta, Boqolaal qaraar oo horey uga soo abxay Qaramada Midoobey ayaa Israel aysan fulin tan iyo sanadkii 1970.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here