Beşiktaş oo saxiixa Arda Turan ku garaacday Arsenal iyo Bayern Munich

0
363

Kooxda Kubada Cagta Beşiktaş ayaa ku guulaysatay saxiixa kubad sameeyaha Kooxda Barcelona Arda Turan, sida ay sheegayaan Wararka.

Kabtanka Xulka qaranka Turkiga Turan ayaa Kooxda Cimaaliqada gobolka Catalania ee Barcelona kula jira hishiis ilaa iyo 2020-ka, balse hada u muuqda in la kansalay hishiiskii Camp Nou oo lagu garaacay Naadiyada Arsenal iyo Bayern Munich.

Cayaariyahankii hore ee Kooxda Atletico Madrid Arda ayaa ku hungobay in uu soo jiito dareenka macalimiintii isku bedeshay xilka tababarenimo ee Kooxda Barca, min Luis Enrique ilaa iyo Ernesto Valverde.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda kaalinta afaraad kaga jirta horyaalka Turkish Super League ee Beşiktaş ayaa saxiixa Arda Turan ku garaacday Kooxdiisii hore ee Galatasaray’ oo sidoo kale qayb ka Naadiyada lala xiriirinayo saxiixiisa.

Beşiktaş oo taagan Wareega 16-ka tartanka Champion League ayaa kal hore la saxiixatay Cayaariyahano ay ka mid yihiin Adriano, Pepe, Ricardo Quaresma, Ryan Babel, Álvaro Negredo, Gary Medel iyo kuwa kale.

 

https://pbs.twimg.com/media/Arda Turan may join Beşiktaş

The post Beşiktaş oo saxiixa Arda Turan ku garaacday Arsenal iyo Bayern Munich appeared first on Goolasha.net.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here