Madaxwaynaha Jubbaland oo Kulan la Qaatay Gudoomiyaasha Dagmooyinka Jubbaland

0
484

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, ayaa  maanta marti qaad u sameeyay gudoomiyeyaasha degmooyinka xorta ah ee Jubbaland, haween iyo odoyaal dhaqameed ayaa  ka qeyb galayay shirkan  looga hadlayayhorumarinta  horumarinta Jubbaland.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay in madaxda degmooyinka ay ku dadaalaan sugidda amniga degmooyinka ay masuulka ka yihiin, isagoo xusay in amnigu fure u yahay horumarka.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa xusay in degmooyinka  aan lahayn Ciidanka Booliska iyo Ciidanka  Nabadsugidda uu mar ku bixiyay in dhawaan wasaaradaha arimaha gudaha iyo amnigu ay aadaan, una soo sameeyaan Ciidamo Boolis iyo Nabadsugid ah.

Dowllad Goboleedka jubbaland ayaa dadaal ugu jirta in Dhamaan Dagmooyinka Xorta ah ee Jubbaland laga hirgaliyo Golayaasha Deegaanka oo ka imaanaya Bulshada Ku dhaqan Dagmooyinka ay dowlada Gacanta ku hayso si loo Daadajiyo Maamulka .

Jubbaland Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here