Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Xilka la wareegay

0
398

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xalay ka dhacday xarunta Aqalka dowladda Hoose ayaa waxaa xilka kula wareegay Hoggaanka cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo 21-kii bishan wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha lagu magacaabay.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Sheekh Muudey, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Madaxweynaha Hirshabeelle, Xildhibaano ka tirsan labada gole, Guddoomiyeyaashii soo maray Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Ugu horeyn Munaasabadda ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Guddoomiye kuxigeenkii hore Arrimaha Bulshada oo ka sheekeeyay waxqabadkii maamulka mudadii 8-dii bilood ee ay xilka hayeen.

Intii Munaasabadda socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Film Documentary ka hadlayay waxqabadka Maamulkii hore Gobolka Banaadir iyo waxyaabihii uu suura geliyay mudadii ay xilka hayeen.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay wixii u soo qabsoomay, isagoo xusay inay tahay dimoqraadiyad inay xilka ku wareejiyaan Maamulka cusub.

Waxaa uu sheegay in xilka ay meerto tahay, balse niyad wanaaga iyo naxariista aysan meerto aheyn, waxaana uu u rajeeyay maamulka cusub inuu halkeeda ka sii wado howshii la soo qabtay.

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo kelmad qiimo badan goobta ka jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxda qaranka, maamulkii ka horreeyey iyo bulsha weynta gobolka Benaadir, isagoo sheegay inuu wax dadaal ah la hari doonin si wax badan ugu qabto dadka degan Benaadir iyo inuu gobolka horumariyo.

“Waan u mahadcelinayaa madaxda sare ee qaranka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo maamulkii hore oo runtii wax badan soo qabtay. Waa guul in si nabad oo dimuquraadi ah xilka la isugu wareejiyo, waana dhaqan wanaagsan oo aan bogaadinayo “ Ayuu yri Guddoomiye Eng. Yariisow.

“Waxaan shacabka ku nool caasimadda Muqdisho u ballanqaadayaa inaan u qabto waxa ay iga wada rajaynayaan oo ah ka shaqaynta nabadda, caddaaladda, , shaqo abuurka iyo ilaalinta ammaanada, si loo gaarsiiyo adeegyo bulsho guud ahaan dadka degan Caasimadda”.Ayuu raaciyey.

“Waxaan u caddaynayaa bulshada degan Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Benaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimaddu waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Ugu dambeyn waxaa xilalka kala wareegay Guddoomiyihii hore Taabid iyo Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow, sidoo kale waxaa xilka kala wareegay Guddoomiye kuxigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Xigasho:Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here