Gary Neville Oo Su’aal ka Keenay Bixitankii Daniel Sturridge Ee Liverpool

0
266

Kabtankii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa sheegtay in Liverpool ay tahay “Koox waalan” si ay Daniel Sturridge u fasaxdo inuu amaah kaga tago kooxda inta uu furnaa suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

 

Sturridge ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Newcastle United, laakiin West Bromwich Albion ayaa ku dhowaatay inay si rasmi ah ula wareegto weeraryahanka reer England ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan 2017-18.

 

Neville ayaa sheegay in Liverpool aysan laheyn fursado badan oo ku aadan seddexda kooxood ee ugu dambeysa inay soo gabagabeyn karto hadii Roberto Firmino oo 19 gool dhaliyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

 

“Waxaan fiirin doonaa liiska ciyaartoydaas, waxaana ay ku jirtaa radar, waxaan eegaa Sturridge, dadku waxay yiraahdaan ‘Sturridge ma ciyaari karo mar kale, ma ahan wax weyn lakiin’” Neville ayaa u sheegay Sky Sports News.

 

“Firmino dhaawac ayaa soo gaaray laba bilood, Liverpool waxay ku jirtaa Champions League waxayna isku dayeysaa inay soo galaan afarta kooxood ee ugu sareysa … Danny Ings iyo [Dominic] Solanke, miyay ku fiicanyihiin inuu iska sii daayo? waayo khatar weyn. ”

 

Sturridge ayaa dhaliyay kaliya seddex gool 15 kulan oo uu u saftay Liverpool xilli ciyaareedkan.

The post Gary Neville Oo Su’aal ka Keenay Bixitankii Daniel Sturridge Ee Liverpool appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here