Hordhaca: Dekedda Vs Elman- Dekedda Oo Weynesa Xidigo Muhiim Ah, Xili Axmed Xasan Macani Uu Ka  Hor Imaan Doona Kooxdiise Hore

0
445

Kooxaha Dekedda iyo Elman ayaa galabta Ku Ballansan Garoonka Banadir Stadium, taa uu qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League, waana kulankii 11-aad ee laga ciyaarayo Horyaalka.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan, Dekedda ayaa galabta mari doonta tijaabadii ugu adkeed ee Horyaalka halka Elman ay hore u soo martay.

XAQIIQDA KULLANKA:

Image result for Dekedda vs Elman

Kooxda Dekedda Kullankii ugu dambeyay waxey bar baro 1-1 la soo gashay Naadiga Gaadiidka, kulan dhacay 29-01-18, Halka Elman ay guul dahabi ah ka soo gaartay Naadiga Waxool kadib markii ay ugu soo badiyen 4-0, kullan dhacay 30-01-18.

Macalin Cabdi Joon ayaa ka hor imaan doona kooxdiise  hore ee Dekedda isago hogaaminaya Elman, kulan qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League.

Related image

Dekedda kullanka galabta waxey weyn doonta xidigeeda khadka dhexe Daa’uud Tubaal kaa uu qaatay Roose kulankii ay bar baraha la galeyn Naadiga Gaadiidka.

Sido kale kooxdan waxaa shaki weyn laga galinaya xidigeeda Khadka dhexe ee Cabdikariin Qubaaye kaa uu dareemaya dhaawac yar yar.

Kooxda Jaalayasha ee Elman kulankan waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman), Liiban iyo Habaarey.

Axmed Xasan Macaani ayaa galabta ka hor imaan doona markiise ugu horeysay kooxdiise hore Ee Dekedda.

Kooxahan ayaa ku kala jira kaalimaha kala ah 3-aad oo fadhisa Dekedda iyo 4-aad oo ku jirta Elman.

Related image

Sagaalkii kulan ugu dambeysay ay labadan kooxod is arkan waxaa 3-kamid ah guul gaartay Naadiga Dekedda,4-kamid ah waxaa guuleysatay Kooxda Elman halka 2- kulan ay bar baro ku kala baxeyn.

HOOS KA EEG IS ARAGA LABADA KOOXOD:

03/03/2017        Dekedda SC        0 : 0        Elman FC

01/02/2016         Elman FC              0 : 1        Dekedda SC

26/04/2016         Dekedda SC        3 : 0        Elman FC

29/12/2014         Elman FC              1 : 1        Dekedda SC

27/03/2015         Dekedda SC        2 : 0        Elman FC

03/02/2014         Elman FC              2 : 0        Dekedda SC

05/04/2014         Dekedda SC        0 : 3        Elman FC

18/06/2012         Elman FC              4 : 0        Dekedda SC

08/10/2012         Dekedda SC        2 : 3        Elman FC

OGEYSIIS KULANKA:

Tartanka: Somali Premier League 2017-18

Kooxaha: Dekedda vs Elman

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:35

Qiimaha kulanka: 10,000 sh/ Somali

Jawiga Garoonka: 28°C

W/D Cabdifitaax Cabdirashiid Abuukar(Cabdifitaax Nani)

 

The post Hordhaca: Dekedda Vs Elman- Dekedda Oo Weynesa Xidigo Muhiim Ah, Xili Axmed Xasan Macani Uu Ka  Hor Imaan Doona Kooxdiise Hore appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here