Gobolka Florida :17-ruux oo ku dhimatay Dugsi la weeraray

0
457
BBC

Ugu yaraan 17-qof ayaa dhimatay kadib markii nin 19 sano jir ah uu rasaas ku furay Dugsi sare oo ku yaalla magaalada Parkland ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka sida ay xaqiijiyeen ciidamada Boliiska.

Ninka looga shakisan yahay in uu geystay falkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Nikolas Cruz ,kaas oo horay uga mid ahaa ardayda Dugsigaasi,ka hor inta aan laga eryin.

Shilkaan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca goob wax barasho marka laga yimaado weerarakii lagu dilay 26-ruux ee ka dhacay Dugsi ku yiillay gobolka  Connecticut sanadkii  2012-kii.

Wiilkaasi ka dambeeyay dilka dadkaasi  waxaa lagu qabtay deegaanka  Coral Springs ,daaweyn ka dib waxaa la dhigay xabsiga Boliiska.

Kala Soco Jubaland Tv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here