Kylian Mbappe: ‘ Wali Wuu Furan Yahay Tartanka Wareega 16-ka Champion League

0
35

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa ku adkeysanaya in kooxdiisa ay ka adkaan karto Real Madrid si ay u gaarto wareega 8da Champions League.

 

PSG ayaa ka shaqeyneysa sidii ay uga soo kabsan laheyd wareega 16ka ka dib markii ay guuldarro 3-1 ah ka soo gaartay Real Madrid lugta hore ee caawa.

 

Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa ku adkeysanaya in “wax walba ay suurtogal tahay” kulanka Parc des Princes, xiddiga reer France ayaa kalsooni ku qaba in kooxdiisa ay ku garaaci doonto kooxda heysata Champions League inay wareega xiga ku guuleysato.

 

“Guuldaradu aad ayay u adag tahay in la aqbalo, laakiin waxba ma dhicin, wali waxaan leenahay dagaal weyn oo hogaamiya si aan u qalmo,” ayuu Mbappe ku qoray xisaabtiisii Instagram.

 

“Waxaan heysanaa tayo laakiin waxaan sidoo kale u baahannahay go’aan weyn oo naga go’an inaan ka gudubno xuduud la’aan, laakiin Parc des Princes wax walba waa suurtogal tahay waxaana ognahay taageerayaasha inay dabka ku jiri doonaan oo na taageeri doonaan illaa iyo dhamaadka.”

 

PSG ayaa ku soo laabatay horyaalka Ligaue 1 dhamaadka Isbuucaan garoonka Strasbourg.

The post Kylian Mbappe: ‘ Wali Wuu Furan Yahay Tartanka Wareega 16-ka Champion League appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here