Dekedda oo qabatay hogaanka Horyaalka, kaddib dheeshii Banaadir Sports Club

0
296

Kooxda Kubada Cagta ee Dekedda ayaa guul ka gaartay dhigeed Banaadir Sports Club, kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayay labada dhinac soo bandhigeen qaab Ciyaared ad u wanagsan, balse Kooxda Dekedda ayaa ugu danbayntii heshay sedexdii dhibic ee dheesha.

Cayaariyahanka reer Kenya ee Raymond Maguri ayaa shabaqa gaaray daqiiqadii 27-ad qaybtii hore ee dheesha, kaddib baas wacan oo ka yimid Cayaariyahan C/Najiib.

Banaadir ayaa lumisay adeega Cayaariyahan Baanuu, kaddib dhaawac dhanka madax, kaas oo lagu bedelay Cayaariyahan Daadir Cama daqiiqadi 40-ad, inkastoo Ciyaarta ay ku dhamaatay 1-0.

Markii lays kusoo laabtay qaybtii labaad ee dheesha, Labada Naadi ayaa sameeyay fursado badan ay goolal ku dhalin kareen, balse labada Koox ayaan helin wax goolal ah.

Kulankii galabta waxaa garsoore ka ahaa Cumar C/qaadir Cartan, Calanhayaha kowaad wuxuu ahaa Mahad Gentalman, Calanhayaha Labadka wuxuu ahaa Aways Cali Geele, halka sarkaalka afaarna uu ahaa Liiban Aadan Xiireey.

Kooxda difaacanaysa Horyaalka ee Dekedda ayaa hada qabatay hogaanka Horyaalka, xilli haatan ay lee dahay 13-dhibic, kaddib kulankedii 5-ad, waxaa kaalinta labaad ku jirta Kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed oo leh 10-dhibic, kaddib 4-kulan oo ay Ciyaartay.

 

The post Dekedda oo qabatay hogaanka Horyaalka, kaddib dheeshii Banaadir Sports Club appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here