Madaxweyne Farmaajo Oo Tacsi Ka Diray Geerida Nabaddoon Axmed Diiriye

0
551

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo nabaddoonka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.

“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Nabadoon Axmed Diiriye oo xalay ku geeriyoday Muqdisho. ilaahay ha u naxariisto nabadoonka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”

Marxuum Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka, waxaana lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa baraarujinta bulshada dhanka ilaalinta xasilloonida, amniga, iskaashiga bulshada iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here