Ciidmada Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Howlgaladii Maalmahan Socday Guulo Ka Gaadhay.

0
975

Ciidmada  Dowllad Goboleedka jubbaland iyo  Ciidamada Xoogga dalka Ayaa howlgallo Kabilaabay Qeybo kamid ah Gobolka Jubada Hoose,Waxaana Ay Gacanta kudhigeen  Degaano Hoos Yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose oo kamid ah Melaha Inta Badan Ay Al-Shabab ka hellaan  dhaqalaha .

Deganadan ayaa waxa Kamid ah Degaanka Beeraha Caanka Ku ah  ee Tuullada Koban, Baarsanguni ,Aar aare ,Wirkoy iyo Degaano kale oo Ku Dhow Degmada Jamame.

Degaanka Sanguuni Ayaa waxa lagu Dilay 6 dagaal yahan oo katirsan Maleshiyaadka Kooxda  Al-Shabab waxana sido kale gacanta lagu dhigay Hub Isugu Jira Noocya Kala Duwan Kuwaas Oo Ay U Adeegsan Jireen In Ay Ku Dhibaateeyaan Umadda Somaliyeed .

Guud  Ahaan Degmada jamaame  Saaka way Iskaga baxeen Maleeshiyada  Al-Shabab waxana  Sidoo kale ay kabaxen Degaano  badan oo  dhanka Waqooyi ka ah Degmada  Jamaame Ee Gobolka Jubada Hoose

Kabixitaanka Xagjiriinta  Al-Shabab Ee Degmada Jamame Ayaa kadambeysay ka dib Howlgalo ay wadeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyado Ay jiraan dadaalo lagu doonayo   in deegenada jubbland looga Nadiifiyo maleeshiyadka Al-shabaab.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here