Kooxda Elman ayaa ku bar baratay dhigeeda Madbacada

0
41

Kooxda Kubada Cagta Elman ayaa ku bar baratay dhigeeda Madbacada, Ciyaar xiiso badan oo galabka ka dhacday garoonka Koonis Stadium Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badan oo ay soo buux dhaafiyeen dad wayne aad u faro badan ku waas oo xiiseeya Ciyaarta Kubada Cagta ayaa ugu danbayntii natiijadu ay noqotay 5-1.

Cayaariyahankii hore ee Kooxda Jenyo Anwar Shakunda ayaa bilaabay bandhigii goolasha ee Kooxda Jalaayaasha, ka hor inta uusan goolkii labaad dhalinin Cayaariyahan Aabow, halka goolkii sedexaad ee kulankii galabta uusan shaabadiisa ku tolan Cayaariyahan Maxamed Marshiyal, taas oo keentay in lagu kala nasto 3-0 qaybtii kowaad ee dheesha.

Wiilasha Macalin Cabdi Joon oo wali dhegahooda ay kasii guuxayso guuldaradii 6-2-dii ay kala kulmeen xiddigaha Kooxda Banaadir 13-kii bishan ayaa jawaab u dhiganta ka bixiyay markii ay shanjeer shabaqooda tageen Kooxdii dhawaanahan ka yaabsatay Naadiyada Jenyo, Horseed, Heegan iyo Waxool, xilli Macalin Nuur amiin ay soo gaartay guuldaradii ugu horaysay tan iyo markii uu bilowday Horyaalka Soomaalia Premier League.

Cayaariyahan Nuur iraad iyo Anwar Shakuunda ayaa sidoo kale dhaliyay goolashii Kooxda Elman, halka goolka Madiga ee Kooxda Madbacada uu u dhaliyay Cayaariyahankooda Benteke.

Si kastaba ha ahaatee’ Kooxda Elman ayaa hada soo fariisatay booska shanaad ee kala saraynta Horyaalka, walow ay isku dhibco yihiin Kooxda galabta ay ka badisay ee Madbacada, balse kaga horaysa farqiga goolasha.

The post Kooxda Elman ayaa ku bar baratay dhigeeda Madbacada appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here