Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo U Dabaal Degay Sanadguuradii 48-aad Ee aas-aaskooda

0
387

 

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynaynayo maalintaasi lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay kana dhaceysa xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan,waxayna munaasabadda qaban qaabadeeda hadda ka socotaa xaruntaasi.

Madaxda dalka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa Hambalyo ku aadan sanadguurada 48-aad ee aas-aaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed u diray Sareeyeyaasha,,Saraakiil ku Xigeenada,Alifleyda iyo dableyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la aas-aasay 1970kii ayaa waxay qeyb ka yihiin Ciidamada Qaranka uu dalka leeyahay,iyagoona si gaar ah uga howlgala gacan ku heysta Xabsiyada iyo dhaqan celinta maxaabiista.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here