De Gea & Marcelo oo hogaaminaaya Kooxda ugu fiican Champions League

0
85

Kooxaha Real M Liverpool, Chelsea iyo Manchester City ayaa min labo Cayaariyahan ku yeeshay safkan, halka Kooxaha Manchester United, Tottenham iyo Bayern Munich ay liiskan ku yeesheen min hal Ciyaariyahan.

 

 

#1  David de Gea oo (Manchester United)

Goolhaye De Gea ayaa bad baadin badan sameeyay kulankii Sevilla.

#2  Nacho (Real Madrid)

 

 

Ninkaan ayaa los Merengue u qabtay shaqo fiican, kaddib maqnaanshiyaha Cayaariyahan Dani Carvajal, isago xakameeyay Weeriryahanka Kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr Ciyaartii ka dhcday garoonka Parc des Princes.

#3  Vincent Kompany (Manchester City)

 

 

Citizens ayaa 4-0 kaga badisay Basel, balse Kompany ayaa xakameeyay weerarka Kooxda Swiss-ka ka hor inta aan la gaarin goolhaye Ederson.

#4  Virgil van Dijk (Liverpool)

 

 

Wuxuu sameeyay 5-bad baadin, isagoo abuuray 72-baas oo dhamaystiran, kaddib markii ay 5-0 ugu badiyeen Kooxda Fc Porto.

#5  Marcelo (Real Madrid)

 

 

Marcelo ayaa qaab Ciyaared wacan kusoo bandhigay garoonka Parc des Princes kulankii PSG.

#6  Ilkay Gundogan (Manchester City)

 

 

Inkastoo uu dhaliyay goolkii furitaanka Cayaariyahanka reer Jarmal ee Gundogan, hadana waxaa losoo qaatay Xiddigihii ugu fiicnaa khadka dhexe.

#7  N’Golo Kante (Chelsea)

 

 

Laacibka reer Faransa ee Faransa ee Kante ayaa hor is taagay Lionel Messi, walow uu shabaqa tagay.

#8  Mousa Dembele (Tottenham)

 

 

Dembele ayaa kala diray xiddigaha Kooxda Juventus, isagoo abuuray 95-baas oo dhamays tiran.

 

#9  Willian (Chelsea)

Wuxuu dhaliyay gool ay Kooxda Barca ku waalatay raadintiisa ilaa iyo daqiiqadihii ugu danbeeyay ee dheesha.

 

 

10  Robert Lewandowski (Bayern Munich)

Lewa ayaa Kooxdiisa ka caawiyay in 5-0 ay kaga badiso dhigooda Besiktas, kaas oo tan iyo 2015/16, ka dhigaysa in Cristiano Ronaldo uu tartanka Champions League ka dhaliyo 39-gool, Lewandowski 22-gool halka Lionel Messi isna uu dhaliyay 21-gool.

 

#11  Sadio Mane (Liverpool)

Sedexlay ayuu dhaliyay Cayaariyahanka reer Senegal ee Mane kulankii 5-0 ay huwiyeen Kooxda reer Portugal ee FC Porto, isagoo la sinmay Xiddigaha Michael Owen, Yossi Benayoun iyo Philippe Coutinho oo tartanka hore ugu dhaliyay sedexlay hal kulan.

The post De Gea & Marcelo oo hogaaminaaya Kooxda ugu fiican Champions League appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here