Shirkii Todobaad laha aha Ee Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Arimo Badan Looga Hadlay+Sawiro

0
356

Kulanka Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Jubbaland Waxaa Maanta lagu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkmada Sare iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland.

Dhinaca kalana Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha uga Warbixiyay Ahmiyadii uu lahaa shirkii Amniga Qaranka ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya isagoo sheegay in shirkaas uu ahaa talaabo dhinaca hore loo qaaday.

Waxaa kale oo kulanka lagaga hadlay Hananka Gargaarka deeganada Jubbaland iyadoo lagu booriyay dhamaan dhinacyada ay howlahan qusayso in ay dardar galiyaan shaqada la xiriirta gargaarka Bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa sharaxaad dheeri ah golaha ka siiyay shir lagaga hadlayay xoraynta deeganada Jubbaland ee wali ay gacanta ku hayaan kooxaha nabad diidka ah isagoo sheegay in shirkaas uu guul kusoo dhamaaday isla markana la guda gali doono sidii ficil loogu badali lahaa waxyaabahii kasoo baxay.

Dhinaca kale waxaa golahu uu ka dooday khatarta ay bulshada iyo xoolahaba ku hayaan bacaha iyadoo kulamada soo socda go’aan lagaga gaari doono.

Gaba gabadii kulanka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada waxaa Jubbaland Tv sharaxaad dheeri ah siiyay Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdinuur Cali Aadan.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here