Manchester United Oo Ku Dhaw Saxiixa Xidiga Kooxda Real Madrid

0
65

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku wargelisay Manchester United inay dooneyso inay 176 milyan oo ginni ku dalbato si ay uga fiirsato inay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Isco.

 

Red Devils, oo ay la socdaan kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool, ayaa la fahamsan yahay inay diirada u saaran tahay 25 jirkaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

 

Sida laga soo xigtay wargeyska Spain ee Don Balon, United ayaa u baahnaan doonta inay lacag badan ku qarash gareyso xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, kaasoo sidoo kale lagu qiimeeyo 17 milyan oo ginni sannadkii.

 

Isco waxa uu leeyahay shan gool iyo afar caawiye oo 21 kulan oo La Liga ah uu u saftay Madrid xilli ciyaareedkan, halka sidoo kale uu si fiican u ciyaaray xilli ciyaareedkii Champions League.

 

United, suuqa kala iibsiga khadka dhexe ee cusub, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Jean Michael Seri oo Nice ah.

The post Manchester United Oo Ku Dhaw Saxiixa Xidiga Kooxda Real Madrid appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here