Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo Maanta Magaalada Garoowe Xarigga Kaga Jaray Dugsiga Sare Ee AL-Xikmah+Sawirro

0
642

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Magaalada Garoowe xarigga kaga Jaray Dugsiga Sare ee AL-Xikmah oo ay si wadajira udhiseen dawladda Puntland iyo Dawladda Jordan.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ku wehelinayey xafladda xarig jarka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Maxamed Cali Faarax, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Ardayda iyo Macalimiinta Dugsiga Sare Al-Xikmah , waalidiin iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu mid-mid u galay fasalada iyo xafiisyada uu ka kooban yahay dugsiga sare ee Al-Xikmah, islamar ahaantaana waxa uu madaxweynuhu salaan guud la wadaagey ardeyda Al-Xikmah, kuwaas oo wajiyadooda laga dheehanayey farxad iyo rayn raynta ay u qabaan booqashada uu Madaxweynahada Dawladda Puntland ugu yimi maanta.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii xadhigjarka ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in kor looqaado aqoonta jiilka soo koraya isagoona madaxweynubhu sheegay,

Ugu danbayn, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato kor uqaadida waxbarshada Puntland oo maamulka Puntland xooga saari doono inay ahaato waxbarashadu mid hore umarsan.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here