Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Oo Qabatey kulan Looga Hadlayay Mashaariicda  Hormarineed Ee Magaalada Kismaayo+Sawirro  

0
159

Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland aya maanta xafiiskeeda ku qabatay kulan   balaadhan oo ay ka so qayb galeen  wufuud ka kala socotey Wasaarada Arimaha Gudaha Dowldda Somaaliya iyo  Heya,adaha  Caalamiga  ah sida IOM UNDP.

Kulan waxa qayb ka aha   wasaarado ka tirsan Dowlada  Jubbland sida  Wasaarada Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ,Wasaaradda Dhalinyarada iyo sportska, Wasaarada Dastuurka ,cadaalada iyo Arimaha Diinta,Wasaarada  Guriyeenta iyo Howlaha guud.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland Mudane Maxamed Warsame Darwiish  oo   shir gudoominayay Kulankaan ayaa sheegay in kulankaan  looga  hadlayey Mashaariicda  hormarineed ee  ka soconayo Maagaalada Kismaayo .

Markii uu kulanka so idlaaday ayaa waxa ay gudiga labada dhinac  kor meer ku tageen  Suuqa Xoolaha kaaso  laga hirgiliyay suuqa weyn ee xoolaha  ,xarunta tababarada ee KTI oo lagu barto farsamada alxanada,Iyo Maxakamada Gobolka .

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cabdi oo ka warbixiyay kulanka aya  sheegay ujeedka  in uu yahay sidi loo dardar galin laha   Howlaha mashaaricada hormarineed ee  Magalada kismaayo.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here