6-Ciyaariyahan oo bedel u noqon karta Carrick iyo Fellaini’ Wanyama, Sergej Milinkovic, Seri, Kroos

0
279

Hogaamiyaha Kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa ku jah wareersan xaalada Cayaariyahanadiisa Khadka dhexe ee Michael Carrick iyo si la mid ah Marouane Fellaini, ku waas oo qandaraaskooda Old Trafford uu dhacaayo dhamaadka xagaagan.

Sida ay ku waramayso Jariirada Daily Mail’ Mourinho ayaa iska hilmaami doona adeega Cayaariyahan Michael Carrick, kaas oo dhamaadka ololahaan howlgab noqon doona, halka Cayaariyahanka reer Belgium ee Marouane Fellaini isna uu diiday in uu saxiixo hishiis hal sano ah.

Macalin Mou ayaa hada bilaabay in dib u milicsado Cayaariyahanka ku dulman Kooxda Chelsea ee Willian, kaas oo lagu qiimeeyo lacag dhan £40-million oo gini.

Ka hor inta uusan bilaaban ololahan Cayaariyahanka reer Brazil ee Willian da Silva ayaa ka baaqsaday u dhaqaaqista Kooxda ugu guulaha badan England ee Manchester United, kaddib markii Antonia Conte uu ku qanci waayay qorshihii Kooxda Red Devils.

Si kastaba ha ahaatee’ Kooxda United-ka ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa bedelada Carrick iyo Fellaini, xiddigaha kala ah Victor Wanyama, Sergej Milinkovic-Savic, Jean Michael Seri, Toni Kroos iyo kuwa kale.

 

 Tottenham anchorman Victor Wanyama could arrive at Old Trafford for £40m Lazio favourite Sergej Milinkovic-Savic could cost upwards of £80m Real Madrid playmaker Toni Kroos could be available for just £30m Former Barcelona target and Nice ace Jean Michael Seri could cost just £35m

The post 6-Ciyaariyahan oo bedel u noqon karta Carrick iyo Fellaini’ Wanyama, Sergej Milinkovic, Seri, Kroos appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here