Madaxwaynha Dalka Ruushka Oo Sheegay In Dalkiisu Hor Mar Wanaagsan Ka Gaarey Dhanka Hubka

0
405

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin aya sheegay in dalkiisu  uu hor mar wanaagsan ka gaarey dhanka hubka isagoona  tilmaamey  inu samaysatay gantaalo wax gumaaada isla markaasna gaaari kara meel kasto ka mid ah Daafaha Caalamka.

Vladimir Putin  aya wacad ku marey   inu jawaab xooggan ka bixinayo  weerar kasto  Nukliyeer ah  kaas oo lagu bartilmaamedsanayo Waddankiisa ,isagoo tilmaamay in ay noqon doonto gar darro ka dhan ah Ruushka.

Hadalkan oo uu Madaxweynihu  ka jeediyay Golaha Federaalka  Ruushka aya wuxuu ku sheegay  in Dalkiisu uu horumarin doono hubka istiraatiijiga ah isagoo  u jawaabaya Mareynkanka, Moscow waxay dooneysaa in ay xoojiso awooddeeda Millatari ee Arctic si ay u ilaaliso danahooda gaar ka ah , ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Mudooyinki ugu danbeeyay waxa Caalamka hareeyay khilaaf la xiiira dhanka awoodda waxaana hormuud u ah Mareykanka iyo Ruushka oo iyagu u muuqda kuwa u siman xaga xulufada iyadoo arintani ay saameysay Dowladaha caalamka gaar ahaan kuwa Bariga dhexe .

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here