Mid Ka Mid Ah La Taliyeyaashi Ugu Dhawa Madaxwayne Trump Oo Is Casishay

0
284

Masuuliyiin Katirsan Aqalka Cad ee Dalka  Maraynkanka  ayaa sheegay inay xilki iska casishay Gabadha la yiraahdo Hop Hicks oo  ahayd Agaasimaha Guud Ee xafiiska Xiriirka  Aqalka Cad  ka dib markey ka so qayb gashay kalfadhi uu laha Kongareska Mareynkanka kaas oo looga hadlayay arimo la xiriira fara galin la sheegay inu Ruushku ku  lahaa Doorashooyinki kol hore  ka dhacay Dalka Mareynka.

Afhayeenka Aqalka cad Sarah Sanders oo la hadashay Warbaahinta aya shaacisay in Hop Hicks ay wali joogto xafiiskeda iyadoo ay suurta gal tahay in  isbuucyada soo socda ay faarujiso shaqadii ay ka haysay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Sarah Sanders  ayaa beenisay  warar sheegayay  in  is casilaada  Hop Hicks uu xiriir la lahaa  dhagaysiga dacwad  la xiriirta faragelintii Ruushka ee Doorashadii Madaxweyninimo kaas oo Madaxa xiriirka  Aqalka Cad  su’aalo laga waydiiyay  iyadoona  iska diidey inay su,aalahasi ka bixiso wax jawaab ah.

Hicks, oo 29-jir ah aya lagu tiraya inay tahay , lataliyaasha uu aadka ugu kalsoonyahay Madaxweynaha haya taladada dalkaasi  Mareyknka  MR Trump, waxeyna  diiday inay ka jawaabto  su’aalo badan oo ku saabsan shaqadeeda iyo xiriirka Trump iyo Russia.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here