Hay’adaha xuquuqul Insaanka Oo Dhaleeceyay Duqaynta Ka Socota Magaalada Quuta Ee Dalka Suuriya

0
385

Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabbilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa dhaleeceysay duqaymaha xooggan ee ka taagan bariga Magaalada Ghouta ee Dalka Suuriya.

U qaabilsanaha hay’adda xuquuqul insaanka ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Zeid Rade al-Hussein; ayaa weerarradaasi ku tilmaamay dambiyo dagaal, wuxuuna ka digay inay halkaasi kasii socdaan duqaymaha arxan la’aanta ah.

Duqaymahan ka socda Gouta ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen in ka badan 550 Qof oo rayid ah, iyadoo goobaha ay dagaallada ka jiraanna ay ku xanniban yihiin Dad lagu qiyaasay 400,000 oo Rayid ah.

Ciidamada Suuriya oo kaashanayaa Ciidamada Ruushka ayaa in dhawaalaba weerarro xooggan ka waday Bariga Magaalada Ghouta ee Dalka Suuriya, iyadoo ay dhowr mar burburtay Xabbad joojin lagu dhawaaqay.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here