Masar iyo Sacudi Arabia Oo Kala Saxiixdey Heshiisyo Caalami ah

0
492

Madaxweynaha Dalka Masar Abdulfatah Al-siisi ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay  dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Mahmed Bin Salmaan oo hadda booqsho rasmi ah ku jooga dalkaasi.

Booqashada Amiirka Sacuudiga uu ku tagay Masar oo qaadan doonto muddo saddex maalmood ah, ayaa afhayeen u hadlay Madaxtooyada Masar uu sheegay in kulanka dhex maray labada geesood ay iskula soo qaadeen  sidii loo horumarin lahaa xiriirka Masar iyo Sacuudiga siiba dhanka Mashaaricda,  dhanka dhaqaalaha iyo Maalgashiga iyo kala korarsiga dhanka khibradda ee dalxiiska.

Madaxweynaha Masar iyo dhaxal sugaha Sacuudiga, waxay kaloo kulunkooda iskula soo qaadeen  arrimaha qadiyadaha caalamka,midka goboleedka ,waxayna ku heshiyeen  in dadaal badan la geliyo sidii xal looga heli lahaa mushkiladaha ka aloosan dowladaha mandiqada carbeed iyo wax ka qabasho xaaladda bani’aadanimo ee ka aloosan geyigaasi.

Madaxweyanaha Masar Abdul fatah Alsiisi,wuxuu kaloo kulankaasi ku xusay amniga dowladaha khaliijka oo uu sheegay inuu ka mid yahay qeyb ka mid ah amniga Masar oo sinaba uga go’i Karin,wuxuuna soo jeediyay in laga hortago cidii carqaladeynaysa.

Ugu danbayntii  Madaxweynaha Masar iyo Dhaxal sugaha Sacuudiga aya kulankaasi ku kala saxiideen heshiisyo ka kooban dhowr qodob kuna saabsan iskaashiga labada dal, bey’adda iyo abuuris sanduuq maalgashi ay labada dal wadaaagaan.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here