Hordhaca: Manchester united vs Liverpool wax walbo oo aad kaga baahantahay kulanka ugu ween gudaha England.

0
362

Kooxda manchester united ayaa garoonkeeda ku soo dhaween doonto kooxda liverpool oo ay ku haradmi doonana kooxda xaqiijin karta in sanad ciyareedkan ay ku dbameestaan kaalinta jadwalka kala sareenta horyaalka premier league .

Liverpool ayaa ku jirta qaab ciyareed aan ka liidan midka Manchester walow barbaro 0-0 ay la soo gashay kooxda Porto kulan ka tirsanaa UCL.

Maxaa ka cusub manchester ka hor kukanka :
Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu soo gaaray dhaawac tawabarkii shalay oo jimco aheyd waxana qasab noqon doona in la hubiyo xaladiisa caafimaad ka hor kulanka .

Jose Mourinho ayaa fahamsan in uu kooxdiisa ku ciyaarsiiyo shaxda 4-2-3-1 marka uu marti sooro kooxda Liverpool kulan katirsan horyaalka premier league.

M Scott McTominay ayaa ka bixi kara safka halka xidiga reer spain ee juan mata uu dib usoo laaban doono ‘ dhinaca kale united ayaa xaqiijisay in xidigeeda Marouane Fellaini uu dib ugu soo laabtay kooxda gadib dhaac soo gaaray dhamaadkii bishii January waxa uuna kukankan ka soo muuqan doonaa kursiga keedka .

Anthony Martial ayaa ku dhacay in uu ka soo kabsado dhaawac soo gaaray ciyaartii ay laqaateen kooxda Crystal Palace oo ku soo idlaatay 3-2 .geesta kale xidigaha kala ah Ander Herrera, Marcos Rojo, Daley Blind iyo Phil Jones ayaaba dhaamaantod ka maqan kooxda garoonkeeda lagu ciyarayo ee Manchester united.

Victor Lindelof oo la soo baxay bamdhig wanaagsan misane safanayey kulamadii ugu dambeeyey ayaa lanasiin doonaa waxaana booskaas buuxn doono Eric Bailly, kaas oo aan marna ku soo bilaaban tan iyo markii uu dhaawac ka soo kacay .

Ashley Young ayaa sii ilaal san doona booskiisa bidix xili uu dib usok laabtay Luke Shaw.

Maxaa ka cusub Liverpool ka hor kulanka :
Andrew Robertson ayaa seega ciyaartii Liverpool’s 0-0 ay lagashay kooxda Porto kulan dhacay habeenimadii talaadada kaas oo ka tirsanaa tartanka chamoions league heerkiisa wareega 16-aad bakse laacibkan ayaa diyar ah in uu kukanka Oldtaraford ka soo muuqdo.
.
Jordan Henderson ayaa qaba xanuuna dhaawac balse macalinka kooxda Liverpool ayaa qaba in uu xalladiisa ay hagagsanana doonto inta aan kukanka labaasan .

Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Mohamed Salah ayaa dhamaantood ku soo laaban doona safka koowaad gadib markii la nasiiyey kulan ciyaardkii Porto ee champions league .
.
Georginio Wijnaldum iyo Nathaniel Clyne ayaa ah xidgaha seegi doona kulankan ee saaran miiska daweenta ciyaartoyda.

 

The post Hordhaca: Manchester united vs Liverpool wax walbo oo aad kaga baahantahay kulanka ugu ween gudaha England. appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here