Manchester United Iyo Chelsea Oo Isku Heesta Mid Kamid Ah Weerayahanada Ugu Halista Badan ee Kooxda PSG, Tallow Waa Kuma Ma Neymar Mise?….

0
322

Manchester United iyo Chelsea ayaa doonaya inay diirada saaraan saxiixa weeraryahanka Paris Saint-Germain Edinson Cavani.

 

Xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay – ayaa la rumeysan yahay inuusan ku faraxsaneyn Parc des Princes, waxaana lagu qiimeeyaa 53 milyan ginni, sida laga soo xigtay jariirada Faransiiska Le Parisien.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in United iyo Chelsea ay isha ku hayaan xaalada Cavani ee caasimada ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

 

Cavani ayaa PSG kaga soo biiray kooxda Napoli sanadkii 2013 isagoo ku fadhiya £ 58milyan, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa ee abid kooxda ka dhisan Paris.

 

30 jirkaan ayaa saameyn ku yeeshay goolkaasi isagoo la wadaagaya saaxiibadiisa weerarka ah Neymar iyo Kylian Mbappe.

Xidigan ayaan ku faraxsaneyn sii joogista kooxda PSG kadib markii uu yimid xidiga ugu qaalisan aduunyada ee Neymar taa ayaa keentay in xidigan uu iskaga tago kooxdan.

Cavani ayaa waqti fiican ku qaadanaya kooxda PSG lkn hada wuxuu dalab weyn ka helaya kooxda England gaar ahaan Man United Iyo Chelsea.

The post Manchester United Iyo Chelsea Oo Isku Heesta Mid Kamid Ah Weerayahanada Ugu Halista Badan ee Kooxda PSG, Tallow Waa Kuma Ma Neymar Mise?…. appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here