Guddoomiye Yariisoow Iyo Taliyayaasha Ciidamada Amniga Oo Xalay Kormeer Ku Tagay Qaar Kamid Ah Xaafadaha Muqdisho+Sawirro

0
383

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed, Sariil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Gobolka Benaadir ahna ku xigeenka xagga amniga iyo siyaasada Gobolka Benaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Magaalada Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah Isgoosyada Black Sea,Baar-ubax ,Cali Kamiin ,Ex kontarool Balcad, Saldhigga Degmada Hiliwaa,Suuqa Xoolaha iyo sidoo kale deegaanka Darmoonley oo ah kontaroolka laga soo galo Magaalada Muqdisho ee dhanka Degmada Balcad.

Ujeedka kormeerka oo ahaa u kuurgalidda arrimaha Amniga iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha Amniga iyo bulshada ayaa masuuliyiinta iyo Saraakiisha waxey socod dheer ah ku mareen qaar kamid isgoosyada wadada Sodonka iyagoo ganacsatada iyo shacabka ku booriyay in ay kaalin ka qaatan hormarinta Bilicda Caasimada iyo Xasiloonideeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dhiirigalina ciidamada Amniga iyo xoojinta Nabad-galyada Magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo martay marxalado kala duwan oo adag haatanna ay ku jirto xilli wanaagsan oo u baahan in la sii xoojiyo horimarkeeda iyo xasiloonideeda.

Dhanka kale Guddoomiye Yariisoow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan laamaha Amaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loogu guulaysto xaqiijinta Amniga Caasimmadda,taasi oo dan u ah muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here