Manchester United madaxdooda  oo qorsheenaya in ay hishiis cusub ka saxiixdaan xidgooda reer Farance ee Anthony martial

0
171

Manchester United madaxdooda  ayaa qorsheenaya in ay hishiis cusub ka saxiixdaan xidgooda reer Farance ee Anthony martial kaas oo lala xiriirinayey in uu kooxda ka dhaqaaqayo tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray Alexis Sanchez’ oo kaga soo biiray naadiga Arsenal .

Laacibka reer Farance ayaa sanad ciyaareedkan ka soo muuqday kooxda Manchester 16 -kulan oo horyaalka premier league halka sidookale 10-kulan uu qaab badal ah ku yimid isaga oona dhaliyey 9-gool halka uu caawiye ka noqday shan kae.

Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa wakiilo udirsatay si ay usoo eegaan xaalada xidiga sidoo kale kooxda Juventus agaasimahooda ciyaaraha ee Pavel Nedved ayaa kula kulmay magaalada Londone wakiilka Martial’ isaga oona kala hadlayey bixitaanka xidiga.

Siwal ha ahatee , United ayaa ku dhawaaqi doonta in ay hishiis waqti dheer ah lagaari doonto Martial sida laga soo xiganayo Manchester Evening News.

The post Manchester United madaxdooda  oo qorsheenaya in ay hishiis cusub ka saxiixdaan xidgooda reer Farance ee Anthony martial appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here