Afganistan: Weerar ismiidaamin ah oo lagu dilay dad badan.

0
351

Ugu yaraan 26-ruux ayaa dhimatay,18-kalana waxa soo gaaray dhaawacyo ,kadib markii qarax looga shakisan yahay in uu ahaa weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay macbad ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kabul,sida ay ku warameen saraakiil.

Warar hordhac ah ayaa sheegay in qaraxaasi lala beegsaday dad boqolaal ah oo isugu soo baxay xafladda dabbaaldegga sanadka cusub ee Neyruuska.

Dadka halkaasi isugu tagay ee ay soo gaareen waxyeelada qaraxaasi waxa ay ahaayeen Shiico,waxaana suurtogal ah in saacadaha soo socda ay kordhaan dhimashada shilkaasi.

Afhayeen u haday Wasiirka Arimaha Gudaha  aya sheegay in qofkii  ka dambeeyay shilkaasi uu isqarxiyay kadib markii ay garteen ciidamada Boliiska,iyadoona ay Dad badani ku doodayan in falkaasi ay geysteen kooxaha Islaamiyiinta ah ee Isis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here