Xilibaanada Aqalka sare Dalka oo dalbaday ciidamo AMISOM oo suga Amnigooda

0
200

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee  Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulankii maanta ee Golaha yeesheen ka  dhax sheegay in ay dalbadeen ciidamo  AMISOM ah oo suga Amniga golaha

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay muddo soo socotay, isla markaana horay codsi ugu direen AMISOM, kana soo jawaabeen sida uu hadalka u dhigay.

“Aqalka Sare go’aan buu ka gaaray arintan oo uu la leeyahay waa in la keenaa AMISOM, qoraal baan u dirnay, waana naga soo aqbaleen, waa sugeynaa”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Xarunta Aqalka Sare ayaa ku taal degmada Shibis, gaar ahaan xaruntii Kuleejo Nouve Somalo ee agagaarka KM-0, kuna dhow xarunta dhexe ee nabad-sugida Qaranka.

Ammaanka Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Nabad-sugida Qaranka, waxaana haddii AMISOM la wareegaan ammaanka xaruntan ka mid noqoneysa meelaha ay ammaankooda gacanta ku hayaan.

Codsiga Aqalka sare ee ah lo soo diro ciidamo suga Amniga golaha ayaa imanaya xili xasarad adag ay ka dhax jirto xildhibaannada Golaha Shacabka

Sabriye Hussein Barre
Kismaayo-Jubada Hoose-Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here