Dekedda Vs Waxool-  Horyaalka Somali Premier League Oo Galabta Daaha Laga Qaadi Doono Wajigiisa Labaad

0
146

Waxaa Galabta  dib loo amba qaadi doona horyaalka Somali Premier League Waijigiisa Labaad waxaana wada ciyaare doona kooxaha Dekedda Iyo Waxool.

Kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhici doona garoonka Banadir Stadium ee Degmada Cabdicasiis waana kulankii 46-aad ee laga dheelayo horyaalka Fasal Ciyaareedkan.

XAQIIQDA KULANKAN:

Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey guul ka soo gaartay naadiga Batroolka kadib markii ay ugu soo awood sheegatay 5-0 ciyaar dhacday 19-03-18.

Naadiga Waxool Ciyaartii ugu dambeysay waxey guul daro 5-0 kala soo kulantay kooxda Ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Is araga labadan kooxod ee wajiga hore horyaalka Somali Premier League waxaa guul 1-0 soo gaartay naadiga Dekedda kulan ciyaareed dhacay 22-01-18.

Dekedda ayaa ku jirta kaalinta koowad iyado leh 21-dhibcood halka ay Waxool fadhiso kaalinta 10- waxeyna leedhahay 5-dhibcood.

WARARKA LABADA KOOXOD:

Wiilasha uu hogaamiyo Macalin Yuu Cali ee Dekedda kulanka galabta waxaa ka maqnaan doono xidigaha kala ah Rymond iyo Nuur oo ku kala maqan saddax kaar oo jaalo ah.

Sido kale kooxda Dekedda waxaa dib ugu soo laabtay mudo dheer kadib xidigeeda daafaca ugu ciyaara Idiris Aamiin.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

22/01/2018         Dekedda SC        1 : 0        Waxool FC

14/03/2017         Waxool FC           1 : 7        Dekedda SC

04/01/2016         Waxool FC           0 : 0        Dekedda SC

10/03/2016         Dekedda SC        2 : 1        Waxool FC

OGEYSIIS KULANKA:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda Vs Waxool

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:45

Qiimaha kulanka: 10,000 Sh/Somali

Jawiga garoonka: 31° /27°C

W/D Cabdifitaax Nani

 

The post Dekedda Vs Waxool-  Horyaalka Somali Premier League Oo Galabta Daaha Laga Qaadi Doono Wajigiisa Labaad appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here