Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo kormeeray xadka Belad-Xaawo iyo Mandheera

0
102

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed oo ay wehliyaan Maamulada   Degmooyinka Mandheera  iyo Beled Xaawo  ayaa  booqasho ku tagay  xadka ay wadaagaan labada  dal ee  Soomaaliya  iyo Kenya  si ugu kuuragalaan  dhaqangalinta  go’aankii lagu joojiyay  dhismaha  Darbiga  ee ay  gaareen labada Madaxweyne.

Waribaahinta Ka Howlgasha Gobolka  ayaa ku soo waramaya in wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed iyo xubno ka socday dhanka Kenya ay ku soo wareegeen xadka  labada dhinac, waxaana ujeedkooda la xiriirtay u kuur gelidda joojinta dhismaha oo ay kol hore ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya oo ahaa in Kenya ay joojiso iyo waxyaabihiii ka dhaqan galay.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa markii ay ku soo wareegeen xadka waxa ay bulshada u sheegeen in dhismaha la joojiyay oo uu dhaqan galay heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo xusay in labada Madaxweyne ay markale balansanyihiin sidii ay kulan fool ka fool ah u wada qaadan lahaayeen oo lagu dhameystirayo heshiiska is fahamka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed ayaa u sheegay shacabka labada dhinac inay is dejiyaan oo aysan rumeyn wararka been abuurka ah ee sheegay in uu socda dhimaha Kenya ay ka wado xadka Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here