Elman oo kusoo laabatay dhabihii guulaha

0
315

Kooxda Kubada Cagta ee Elman ayaa guul wayn ka gaartay dhigeeda Waxool, kulan ka tirsanaa Horyaalka Soomaali Premier League, kaas oo galabta ka dhacay garoonka Banaadir Stadium.

Kooxda Jaalayaasha ee Elman oo sedexdii kulan ee lasoo dhaafay bilaa guula.an ah ayaa mar kale dib ugu laabanaysa dhabihii guulaha, kaddib markii ay ku adkaatay 4-1.

Cayaariyahan Maxamed Cismaan Marshiyaal ayaa laba jeer shabaqa tagay kulankii galabta, halka Cayaariyahan Anwar Shakuunda iyo Maxamed Xasan ay raacsadeen labada gool, halka Cayaariyahan Xasan CR-7 uu u dhaliyay goolka madagi kulankii galabta.

Si kastaba ha ahaatee’ Garsoore Axmed Faarax Baroodo ayaa tan iyo markii uu bilowday xagaagan kasoo muuqday kulankiisii ugu goreeyay ee garsooraha dhexda ayaa laba casaan bixiyay, xilli uu kala siiyay xiddigaha Shaafaa oo Waxool ka tirsan iyo Maxamed Marshiyaal oo Elman ka tirsan.

The post Elman oo kusoo laabatay dhabihii guulaha appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here