Abiy Axmed oo maanta loo dhaariyay xilka Ra’isal wasaaranimo ee dalka Ethiopia

0
832

Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa Ra’iisal wasaare u doortay Abi Axmed,waxaana isla maanta loo dhaariyay xilka raysal wasaaranimo ee dalkaasi Ethiopia.

Abiy Axmed waa ninkii u horeeyey ee ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Raysal wasaare ka noqda wadanka Ethiopia.

Wadamada Africa ayaa tahniyad u direy Raysal wasaaraha cusub marka laga reebo Eritrea iyo Masar kuwaasi oo ay kala dhaxayso xaalad colaadeed.

Ra’iisulwasaaraha cusub ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal,iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.

Bishii March 27, 2018, Xisbiga haya talada wadanka Ethopia ayaa Abi Axmed u doortey inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kadib markii uu xilka iska casiley Raysal wasaarihii hore ee Hilamariam Desaglen kadib markii wadanka ka dhaceen kacdoono badan oo looga soo horjeeday maamulkiisa kuwaasoo ay hor kacayeen Qowmiyadda Oromada

Abiy Axmed Da,diisu oo 42, waxaanu noqonayaa Raysal wasaarihii ugu horeeyey taariikhda Ethiopia ee ka soo jeeda qawmiyada Oromada

Abiy Ahmed intaan xilkan loo dooran wuxu ahaa Guddoomiyaha gobolka Orommiya,Sidoo kale wuxuu soo maray wasiirka  Aqoonta  iyo Tiknoolajiyadda.

Beesha caalamka ayaa aad usoo dhowaysey xilka loo magacaabay Abiy Axmed,Waxayna sheegeen iney u tahay Ethiopia bilaw cusub, isla markaana wax wayn ka badalayso dhibaatooyinka soo noqnoqdey ee ay keeneen banaanbaxyadii is daba jooga ahaa ee lagaga soo hor jeedey maamulkii hore

Qawmiyadda Oromada ayaa ah qawmiyadda ugu balaadhan dalka Itoobiya, waana muslim intooda badani tobankii sano ee ugu dambeeyey waxay ka cabanayeen in lagula kacay xad gudubyo taasoo ay ka dambaysey markii ay bilaabeen kacdoon ka dhana maamulka  Ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya Hailamariam Desaglen.

Cabdixakiim Garaar Shukri
Kismayo-Jubada hoose-Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here