Banadir S,C Vs Heegan- Wax Walba Aad Ugu Baahan Tahay Kulanka Adag Ee Somali Premier League Ay Labadan Kooxood Galabta Ku Dagaalami Doonaan Booska Kaalinta Labaad

0
31

Kooxaha Banadir Sports Club Iyo Heegan ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Labadan kooxod waxey eeganaya kaalinta 2-aad oo ay fadhiso kooxda Horseed taa oo leh 21-dhibcood sido kale Banadir ayaa leh 20-dhibcood hadii ay galabta adkaato waxey fariisan doonta kaalinta 2-aad halka Heegan ay iyadaba isha ku heeso kaalinta 2-aad waxey leedhahay 19-dhibcood taa oo la micno ah hadii ay galabta badiso waxey si toos ah u fariisan doonta kaalinta 2-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka.

WARARKA LABADA DHINAC:

Kooxda Banadir Sports Club kullanka galabta waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Daadir Aamiin Cali (Daada) kaa oo ugu maqan dhaawac gumaarka sido kale Qaliif ayaa kullankan seegaya isago ku seegaya 3-jaalo oo u aruurtay.

Kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan Kulanka galabta wax wal wal dhaawac ma qabto  balse waxaa jiraan xidigo tarbuunka la saaray oo kamid ah Axmed Saqiir, Yasiin Indha Buujo, Cabdiraxmaan Abuukey iyo Yaasiin Kambo kuwaaso garoonka dushiisa ka daawan doonan ciyaartan.

Banadir waxey galabta dib u heli doonta xidigeeda khadka dhexe Cali Yare kaa uu kulankii ugu dambeyay kooxdiise ka maqnaa.

KULAMADA FOOL KA FOOLKA:

Kulankii ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan wajiga hore ee horyaalka waxeey ku kala baxey bar baro 1-1 kullan ciyaareed dhacay 1-02-18.

Shantii kullan ee ugu dambeysay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa hal kamid ah badisay kooxda Heegan halka afar kamid ah ay bar baro ku kala baxeyn labada dhinac.

XAQIIQOOYINKA BENAADIR:

Kooxda Banadir Sports Club kullankii ugu dambeyay waxey guul dahabi ah ka soo gaartay kooxda Horseed kadib markii ay ugu awood sheegatay 3-2 kulan ciyaareed dhacay 30-03-18.

Wiilasha uu hogaamiyo Macalin Hussein Mblango ee Banadir ayaa ku jirta booska 3-aad iyado leh 20-dhibcood waxey soo ciyaartay 10-kulan.

Cabdiqaadir Eenow ayaa ah xidiga ugu goolasha badan kooxda Banadir isago u dhaliyay 9-gool fasal ciyaareedkan.

Sido kale Xidigan ayaa kulankii hore gool ka soo dhaliyay kooxda Heegan galabta ayuu mar kale wajahaya kooxda Heegan.

XAQIIQOOYINKA HEEGAN:

Naadiga Ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulankii ugu dambeyay waxey 2-1 ugu soo adkaatay naadiga jaalayasha ee Elman ciyaar dhacday 28-03-18.

Heegan ayaa ku jirta booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka iyado leh 19-dhibcood waxey soo ciyaartay 10-kulan.

Niyanzi Ronaldo ayaa kulankii hore gool ka soo dhaliyay kooxda Banadir isago mar kale wajahaya kooxda Banadir.

Xidigan ayaa sanadkan dhaliyay 5-gool.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Banadir Sports Club Vs Heegan

Goobta: Banadir Stadium

Saacad: 3:45

Qiimaha Kullanka: 10,000 Sh/ Somali

Jawiga garoonka: 31° /26°C

W/D Cabdifitaax Cabdirashiid Abuukar (Naani)

 

The post Banadir S,C Vs Heegan- Wax Walba Aad Ugu Baahan Tahay Kulanka Adag Ee Somali Premier League Ay Labadan Kooxood Galabta Ku Dagaalami Doonaan Booska Kaalinta Labaad appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here