Shirkadda Facebuug oo soo wajahday fadeexad ku aadan macluumaadka macaamiisheeda

0
362

Madaxa shirkadda Facebuuga Mark Zuckerberg ayaa sheegay in ay khalad ahayd in shirkaddu ay samayso dadaal ka badan midka ay hadda samaysay, ayna tallaabo qaadi doonaan hadda,markii ay soo bexeen fadeexado ku aadan xogaha macaamiisheeda.

Shirjaraaid uu u qabtay warbaahinta ayuu ku sheegay in Shirkadda Facebook ay rumaysan in shirkadda Cambridge Analytica ay si qaldan u isticmaashey ama ay adeegsatay macluumaadka macaamiil lagu khayaasayo 87-milyan ciwaannadooda ee Facebook,waxaana ay ka badan tahay tiradii kal horey ay shacaaciyen, 11-Milyen oo kamid ah Dadka macluumaadyadoodi la adeegsaday waxay ku noolyihiin Dalka Britain,

Milkiilaha Shirkadda Facebooga Mark Zuckerberg ayaa shirkiisa Jaraaā€¯id ku sheegay in ay markii hore ka soo qaadeen in haddii Facebook uu dadka siiyo ogolaansho in markaas masuuliyadda ugu wayn ee sida ay u isticmaalayaan ay iyagu qaadi doonaan,taasi oo uu ku tilmaamay mid ahayd arrin khalad ah.

Mr Mark Zuckerberg wuxuu sidoo kale xusay in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday mushkiladahaasi dhacay,taasi oo ah in lagu xadgubbay habka dadka u ogolaada in dadka Facebook-ga iska dhexraadinaya ay meesha baaritaanka ku qoraan email-ka ama taleefanka qofka ay raadinayaan,taasi uu sheegay in hadda la joojiyay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here