Ciidamo Mareykan ah oo la geeyay xadka Mexico

0
408

Dowladda Mareeykanka ayaa ciidamo ka tirsan Mareeykanka oo ku sugnaa goolka Texas geeysay xadka uu Mareeykanku la wadaago Mexico, ayadoo ciidamadan ay gaarayaan tiro ahaan ilaa iyo laba boqol iyo konton askari.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo isagu soo hindisay qorshahan ayaa sheegay inuu doonayo in xadkaasi la geeyo ciidamo gaaraya afar kun, kuwaasi oo halkaasi joogi doona ilaa iyo inta laga dhameystirayo darbiga Mareykanka uu ka dhisayo halkaasi.

Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa iyaguna la sheegay in dhankooda ay qorsheynayaan in xadka ay geeyaan 250 askari oo kale, waxaana tallaabadan ay imaneysa xili madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagaga hortagayo muhaajiriinta.

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu doonaayo in la soo afjaro wax uu ku tilmaamay ‘Qabo oo sii daa’ oo uu ula jeeday muhaajirinta sida sharci darada kusoo gala Mareykanka, kadib na inta la qabto lasii daayo.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Mareykanka ayaa u muuqda mid ahmiyad gaar ah siinaya sidii looga hortagi lahaa muhaajiriinta ku qulqulaya Mareykanka, maadaama uu dhowr jeer arrimaha muhaajiriinta kaga hadlay bartiisa Twitter-ka, waxaa uuna sidoo kale ku eedeyay xisbiga Dimoqardiga inay albaabada u fureen wax uu ku tilmaamay ”daroogada iyo dambiyada”, waxaana tallaabadan uu qaaday Mareykanka uu ku tilmaamay mid horumar ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here