Manhester united oo gaartay finalka tartanka Fa Cup

0
41

Kooxda kubada cagata ee Manchester united ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Tottenham kulan katirsan tartanka FA cup heerkiisa semi-finalka ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Wembley waxa uuna ku soo idlaaday 2-1 oo ay guusha ku gaartay kooxda uu naamulo macalin Jose mourinho .

Ciyaarta ayaa si xiiso badan ku bilaabatay waxaana goolka la haormaray kooxda garoonkeeda ku ciyaareysay ee Spurs waxaana u dhalyey da’yarka reer England ee Alli daqiiqadii 11-aa qeebtii koowaad ciyaarta.

United ayaa kadib la soo baxday weeraro isdaba joog ah uga dambeentiina wey soo bareejeeyeen goolkii deenta ahaa waxaana u dhaliyey xidga dhawaangalka ah ee Alex sanchez daqiiqadii 24-aad ee qeebtii koowaad .

Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 iyaga oona helay waqti ay kula soo tashataan macalimiintooda iyo koox walba waxa ka qaldanaa .

Dib ayaa loo anbaqaaday dheeshii waxaana ciyaar qurxoon la timid kooxda Manchester united oo heshay goolkii labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xidga reer spain ee Andre Herrera waxaana caawinta goolkaas lahaa lukaku .

Isku dayo badan oo ay sameesay kooxda Londone ka dhisan uma suura galin in ay iska soo bareejeeso goosha labaad ee laga dhaliyey .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda lagu naaneeso Red develes waxa uuna kulanka ahaa kulanka lugta koowaad ee Semi -finalka tartanka FA CUP.

Waxyabihii laga diwaan giliyey kulanka .

Spurs ayaa noqotay koixdii ugu horeysay ee tartanka FA Cup qasaarta 8-jeer iyada oo la joogo heer semi-finals
❌ 1993
❌ 1995
❌ 1999
❌ 2001
❌ 2010
❌ 2012
❌ 2017
❌ 2018

Manchester United ayaa noqotay kooxdii labaad ee taariikhda soo gaarta Final 20-jeer oo tartanka FA Cup waxaa kaga horeeyey kooxda Arsenal .

Alexis Sánchez ayaa hada dhaliya gool shan kukan oo xiriir ah isaga oo ku ciyaaraya garoonak Wembley tartankauna uu yahay Fa cup .

⚽⚽ vs. Reading
⚽ vs. Aston Villa
⚽ vs. Man City
⚽ vs. Chelsea
⚽ vs. Spurs

Afar xidig oo ka tirsan kooxda Spurs ayaa hada ku lug yeeshay in kabadan 25+ goal dhamaan tartanad :

☑ Harry Kane (41)
☑ Dele Alli (28)
☑ Son Heung-Min (28)
☑ Christan Eriksen (25)

Dele Alli’ waxa uu garanayaa sida gool loo dhaliyo marka la joogo semi-finalka tartanka Fa cup waxa uuna goolka ka dhaliyey kooxda Chelsea iyo Man united .

Romelu Lukaku ayaa hada ku lug lahaaday 14-goal 12 -kula oo uu ka soo muuqday tarfanka Fa Cup (12 goals, 2 caawin ), iyada oo lagu daraayo in todobo kamid ah uu uciyaaray kooxda Manchester united .

The post Manhester united oo gaartay finalka tartanka Fa Cup appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here