In uu ka xunyahay guul daradii soo gaartay , dib ugu noqoshada garoonka Madriid iyo mustaqbalkii ciyaareed James Rodriguez oo kahadlay arimahaas

0
28

Rodriguez ayaa lahaa caawinta goolkii uu dhaliyey Kimmich’s goolkii daahfurka kulan ciyareedkii kooxaha Bayern munich iyo Real madriid kaas oo ku soo dhamaaday 2-1 oo ay ku badisay kooxda Madriid .

” waan xanaaqsanahay maxaa yeelay waxaan ciyaarnay kulan wanaagsan ,” James ayaa wareysi ku sheegay ka dib kulanka .

” waxa ay heleen labo fursad oo cad weyna ka faa’ideysteen balse anaga waxaan helnaya afar ilaa iyo shan fursadood kamana faa’ideysan fursadaheena .

” waa naatijo kubada cagata ah , hada waa in aan ka fagarnaa waxa ka dhici doono garoonka Bernabeu.”

Kukanka lugta labaad ayaa la ciyaari doonaa talaadada soo aadan wiilka reer Colombian ayaana si dareen leh ugu soo laabdoona garoonka Santiago Bernabeu, walow uu diirada saaranayo sidii uu ku heli lahaa natiijo wax ku ool ah .

” waa inaan diirada saaranaa kulankaas fursadaha aan heleyno waa faa’ido hadii aan ka faa’ideysano .

Bayern Munich ayaa amaah ku heysata James walow ay heysato dooq ay ku iibsan karto hadaba mystaqbalkiisa ayaa wax laga su’alay .

“Qofna ma oga waxa soo socda ee dhici doona ,” James ayaa xaqiijiyey

“Waqti xaadirkan waxaan ahay Bayern Munich, magaranayo in aan diidi doono ku laabshada Madrid . Waa inaan ka fagaraa waxa soconaya , waxaan halkan ku ahay qof xur .”

The post In uu ka xunyahay guul daradii soo gaartay , dib ugu noqoshada garoonka Madriid iyo mustaqbalkii ciyaareed James Rodriguez oo kahadlay arimahaas appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here