Hordhaca : Real madrid vs Bayren munich kulanka lugta labaad ee Semifinalka champions league

0
244

Maxaa ka cusub kooxda Real madriid :

Daniel Carvajal ayaa laga saaray safka ee caawa ee Real Madrid sababo la xiriira dhaawac soo gaaray lugtii hore, halka Isco uu shaki weyn ku jiro.

Nacho ayaa ku soo laabtay tababarka bilowga todobaadkan, laakiin ma uusan ciyaarin bil ka badan mana noqon doono 100% kulankan.

Iyadoo maqnaanshaha daafac dambeedka midig laga yaabo in Lucas Vázquez mar kale buuxiyo, sida uu sameeyay dhamaadkii lugta hore macalin zidan .

Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa la siiyay isbuuc nasiino ah dhamaadkii, halka Raphael Varane uu qabo dhibaato yar, mana uusan halis gelin.

Karim Benzema iyo Gareth Bale ayaa lagu soo bilaabay kursiga keydka lugtii hore oo Germany ka dhacday lakiin Zinedine Zidane ayaa laga yaabaa inuu midkood u yeero.

Maxaa ka cusub kooxda  Bayern Munich :

Xidigaha kala ah Jérôme Boateng iyo Arjen Robben ayaa labaduba seegi doona kulanka Bayern Munich ka dib markii ay dhaawacyo soo gaareen lugtii hore.

Niklas Süle ayaa la filayaa inuu badalo booska uu baneyey Boateng, halka Thiago Alcantara uu rajeynayo inuu ka faa’ideysto waayitaanka Robben. Kingsley Coman, Manuel Neuer iyo Arturo Vidal ayaa weli dhaawac ku maqan.

David Alaba ayaa la safray kooxda ka dib markii uu dhaawac ku seegay lugtii hore, waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro daafaca bidix kulanka caasaoo Talaadado ah .

The post Hordhaca : Real madrid vs Bayren munich kulanka lugta labaad ee Semifinalka champions league appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here