Thomas Muller oo weerar dhanka afka ah kubqaaday Real madriid ka hor kulanka caawa

0
35

Weerar yahanka kooxda Bayern Munich iyo xulka qadanka Germaby ee Thomas Muller ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday Real Madrid ka hor kulanka caawa .

Real madriid ayaa sandkii hore Sdmi final ku reebtay isla kooxda iyaga oina ka dib ku guuleystay koobka xili ciyaarta labada koox ay ku dhamaatay sandkii hore 2-1.

Thomas Muller oo ka soo hor muuqday shirka jaraaid ayaa sheegay in Real Madrid ay uga adkaatay sanadkii hore laba gool oo garab dhaaf ah, isla markaana ay haatan Juventus uga soo baxeen gool ku laad aan sax ahayn.

“Waxaan xooga saaraynaa ciyaarta, waxaa jira cadaadis badan, dhamaana waala ogyahay wixii dhacay sanadkii hore, waxay dhaliyeen labo gool oo garab dhaaf ah iyo gool ku laadkii Juventus ee xiliciyaareed kaan” ayuu yiri Thomas Muller.

“Laakiin ma haboona in arimahaas ay saameeyaan jawiga ciyaarta, waan indha indheynay kulankii lugta hore si aan u ogaano qaabka ay tahay inaan u ciyaarno kulanka lugta labaad”.

“Waa inaan ka faa’idaysanaa fursadaheena, waxaa haboon inaan baahi u qabno gool dhalis, sidoo kale waa inaan helnaa fursado badan”.

The post Thomas Muller oo weerar dhanka afka ah kubqaaday Real madriid ka hor kulanka caawa appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here