Lixdan Qof oo ku dhimatay Qaraxyo ka dhacay Dalka Nigeria

0
395

Ugu yaraan Lixdan Qof ayaa ku dhimatay Laba qarax oo ka kala dhacay Shalay Masjid iyo Suuq ku yaalla degaanka Mubi oo 200 Km u jirta Magaalada Yola ee Caasiamadda Gobolka Adamawa.

Qaraxyadan oo ay fuliyeen Dhallinyaro da’yar ahaa ayaa waxaa sheegatay Jabhadda Boko Haram ee ka dagaallanta gudaha Dalka Nijeria.

Imam Garki, oo ka tirsan hay’adda Gurmadka Degdegga ah ee Qaranka Dalka Nijeria ee (NEMA), ayaa sheegtay in qiimeyn wadajir ah oo ay sameeyeen Booliska iyo Laanqayrta Cas ay ku ogaadeen inay Qaraxyadu ku dhinteen 26 Qof, halka 56, kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarradan ayaa imanaya Maalin ka dib markii uu Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump sheegay inuu Dowladda Nijeri si weyn uga caawin doono la dagaallanka Ururka Boko Haram.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here