Hordhaca : Manchester city vs Huddersfield xogta kulanka oo dhameestiran

0
32

Kooxda Championka England ee Man city ayaa la ciyaari doonta kooxda Huddersfield kulan ka tirsan horyaalka premier league .

Pep ayaa rajo wanaagsan kalahaa in sandkan kooxdiisa usoo xareeyo sedex koob balse waxa uu hantay hal koob oo premier league isag oona ku qasaaray tartamada FA Cup iyo Champions league .

John Stones ayaa diyaar u ah inuu ku soo laabto kulanka maanta oo axada ee ay la leeyihiin kooxda Huddersfield laakiin waxaa laga yaabaa inuu booska keydka ka soo galo ciyaarta .

Pep Guardiola ayeysan u badneen inuu isbedel sameeyo isbuucaan, inkastoo David Silva uu ku soo laabtay kooxda ka dib arimo shaqdiyadeed uu ku maqnaa kulankii hore.

Maxaa ka cusub kooxda Mancheater city :

Benjamin Mendy ayaa rajeynaya inuu ku soo bilaabdo kulamada u harsan kooxdiisa City si uu u xaqiijiyo taam ahaanshihiisa ka hor Koobka Aduunka 2018.

Maxaa ka cusub kooxda Huddersfield :

Philip Billing ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo kulankiisii ugu horeysay tan iyo Febraayo haddii David Wagner uu door bido inuu khadka dhexe ka ciyaarsiiyo ciyaaryahan kale oo dheeri ah kulanka Etihad .

Huddersfield ayaa weli la filayaa inay ka maqnaadaan shan ciyaaryahan oo qaba dhamaantood dhaawac kuwaas oo seegaya kulanka.

The post Hordhaca : Manchester city vs Huddersfield xogta kulanka oo dhameestiran appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here