Milan oo bedelka Gennaro Gattuso kula biiraysa Kooxda Chelsea

0
338

Tababaraha Kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa lagu soo waramayaa in uu qatar ugu jiro Shaqada Kooxdiisa, ka hor dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Rossoneri ayaa kula biiraysa Naadiyada Yurub raacdada loogu jiro hogaamiyaha Kooxda Napoli Maurizio Sarri, kaas oo laga yaabo in uu bedel u noqdo Gattuso.

Sida ay ogaatay Jariirada Gazzetta dello Sport’ Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Kooxda Milan iyo Xulka Qaranka Talyaaniga Gattuso ayaa bishii lasoo dhaafay dal baday qandaraas kordhin, hase yeeshee Rossoneri ayaa ka fekeraysa in ay hesho macalin kale, kaddib markii uu guulaystay kaliya laba kulan todobadii kulan ee lasoo dhaafay dhamaan tartamada oo dhan.

AC Milan ayaa qasaaro 4-0 kala kulantay Kooxda cadowgeeda ee Juventus Habeenkii Arbacada tartanka Coppa Italia, taas oo shaki gelinaysa mustaqbalkiisa San Siro.

 

Image result for Gennaro Gattuso and Maurizio SarriImage result for Gennaro Gattuso and Maurizio Sarri

The post Milan oo bedelka Gennaro Gattuso kula biiraysa Kooxda Chelsea appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here