Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Dowladda Qatar oo maanta kulmaya.

0
376

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wada in maanta uu la kulmo Amiirka Dalkaasi Qatar  Sheekh Tamim Bin Xaamad Al Thani ,iyagoo ka wada hadli doona arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar iyo dowrka dowladda Qatar ay ku leedahay taageeradda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Maxamed bin Cabdulraxmaan bin Jaasim Al Thani ayaa xalay booqasho salaan sharaf ah waxuu ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Farmaajo,isagoo u muujiyay soo dhaweyn diiran iyo sida dowladda Qatar ay diyaarka ugu tahay xoojinta ilaaqaadka kala dhexeya Soomaaliya.

Kulanka maanta dhexmaraya labada Madaxweyne ayaa lafilayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool  ah,gaar ahaan iskaashi iyo wadasheynta labada dowladood oo kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta kujira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here